Ninki dilka ka geystay Xarunta NAV Bergan oo xabsi KMG ah lagu xukumay.

BERGAN:- Ninkii shalay weerarka mindida ah ka geystay Xafiiska Ceyrta NAV ee Magaalada Bergan ayaa boolisku xaqiijiyeen in xabsi KMG ah la galiyay.

Weerarkaas ayaa ahaa mid geystay dhimashada haweeney 50-jir ah oo ka shaqeyn jirtay xarunta iyo dhaawaca haweeney kale.

Abuukaataha ninkaan geystay ayaa tilmaamay in aysan jirin wax dacwo ah ee xabsiga KMG ah ka qabo isla markaana uu diiday ka jawaabida su,aalaha kiiskaas la xiriira.

Mudo 4isbuuc kadib ayaa la filayaa in ay soo baxdo go,aan maxkamadeed ku aadan kiiska dilka ah ee ninkaan uu shalay ka geystay Xafiiska Hay,adda NAV ee Magaalada Bergan.

Dadka ku dhaqan Bergan ayaa falkaasi aad u hadal haya isla markaana si weyn u cambaareeyay.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com