Nin Soomaali ah oo iska dhigay Gabar oo lagu qabtay dalka Turkiga xili uu ka dhoofi rabay (Sawirro

Ankara: –diyaardaha Esenboğa ee magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa gacanta ku dhigay nin Soomaali ah oo iska soo dhagey haweeney xili uu ka dhoofayay garoonka.

Ninkan Soomaaliga ah oo magaciisa lagu soo koobay Ibrahim M. ayaa la qabtay  xili uu kusii jeeday dalka Ingiriiska, waxa uuna ninkan watay baasaboorka gabar Soomaali ah oo muuqaal ahaan isku ekeesiiyay.

Ninkan iska soo dhigay gabadha ayaa xirnaa dharka ay dumarka xirtaa sida goono, madaxana u saarnaa qamaar, waxa uu sidoo kale xirnaa jaakad, ninkan ayaana sidoo kale wajiga soo marsaday waxyaabaha ay dumarka isku qurxiyaan.

Sida ay ku warameen Warbaahinta Turkiga ninkan Soomaaliga ah ayaa laga shakiyay markii la qabtay, waxaana lagu amray in uu qamaarka iska qaado sidoo kale iska tiro Make Up Wajiga u marsabnaa.

Laamaha amaanka ayaa sidoo kale soo xiray gabadha Paasaboorka laheyd oo magaciisa lagu sheegay Khadiija xili ay dooneysay in ay ka baxdo garoonka, waxaana labadan ruux ku jiraan xabsi kuyaala Ankra iyadoona booliiska baaritanao ku hayaan kiiskooda

 

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com