Nin maseer dartiis isugu qarxiyey Xaflad Aroos.

Khartoum: ugu yaraan toban qof, oo ay ku jiraan caruur, ayaa ku dhintey dhowr iyo tobanna waa ay ku dhaawaceen kadib qarax ka dhacay goob ay ka socotay xaflad aroos oo ka dhacaysay magaalada Khartoum ee dalka Sudan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dhacdada uu ku lug lahaa ismiidaamiye, qaraxii ka dhacay agagaarka Xaaji yuusuf, oo ku yaalla bariga caasimada iyadoo dadweyne aad u fara badan ay isugu soo baxeen xaflada Arooska xilliga ay dhaceysay.

Saraakiil ka tirsan Booliska dalkaas ayaa daaha ka qaaday in Ahmed Kucu Dauod, oo 23 jir ah, kana mid ahaa millatariga Sudan uu qarxiyey Bamka isla isagana uu ku dhintay.

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com