Nin Maraykan ah xabsi daa’in lagu xukumay

Maxkamad ku taalla magaalladda Pittsburg ee Gobalka Benesalfeeniya ee dalkaasi waxaa shalay la soo taagay Eedeysane lagu magacaabo Danyel Rusel, kaasi oo loo haysto dilkii Dareewal Soomaali ah oo la oran jirey Ramadaan Maxamed.

Maxkamadda waxay Eedeysanaha ku xukuntay Xabsi Daa’im, doorkii uu ku lahaa garaacistii lagu dilay Marxuumkaasi oo Taksiile ahaa bishii November ee sanadkii hore.

Maxkamaddu waxay sheegtay in Eedeysanaha lagu xukumay xukun aan cafis lahayn, isagoo lagu helay Dembiga Dilka ee Darajada 2-aad iyo qorshaha dhaca loo geystay Marxuumka Soomaalida.

Ramadaan Maxamed waxa uu xilligii la dilayey Dareewal ka ahaa Shirkadda Taksiyadda ee loo yaqaano Z Trip oo uu ka shaqeynayey 2-isbuuc oo keliya, ka hor inta aan dhaca iyo dilka loo geysanin.

Baaraayasha Boliska ee gacanta ku hayey Kiiskan waxay sheegeen inuu Marxuumka u geeriyooday dhaawacii loo geystay, wuxuuna ifka kaga tegay Xaas xaamilo ahayd xilligii la dilay iyo wiil yar.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com