Nin la sheegay in uu ahaa Lataliyaha Madaxweyne Farmaajo oo laga saaray shirka Baydhabo

Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa dalbaday in shirka gudiga farsamada ee Baydhabo ka socda laga saaro Cabdi Cali Raage oo lataliye u ah Madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdilaahi Farmaajo kana mid ahayn xubnihii lasoo magacaabay ee shirkan loogu talagalay. Kadib markii dalabkodii loo yeelayna waxaa si rasmi ah xalay u bilowday howlihii shirka.

Furitaanka shirka Gudiga Farsamo ee shalay laga dahfuray Baydhaba ayaa waxa hareereeyayBuuq ka dib markii Cabdi Cali Raage oo la taliye u ah Madaxweyne Farmajo uu shirka ka qayb galay kaas oo aanan ka mid ahayn  xubnaha la magacaabay oo ka Tirsan Gudiga Farsamada ee sjirka kas oo ugu dambeyntii laga saaray madasha shirka

Madaxweynaha Xilkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdilahi Farmaajo ayaa doonaya in uu saameyn xooggan ku yeesho doorashada dalka ka dhici doonta taasi oo uu u marayo wadiiqad kasta oo uu doonayo in uu kaga gun gaaro miraha doorashada ka soo bixi doona.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com