Nin dhallinyaro ahaa oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

 

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay xalay nin dhallinyaro ahaa ku dileen magaalada.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Axmed Cabdi Cilmi (Cazaam) ayaa lagu dilay xaafadda Sey Biyaano ee Degmada Hodan.

Wararka ayaa sheegaya in kooxaha dilka gaystay ay ahaayeen burcad dooneysay inay ka dhacaan teleefankiisa gacanta. Sida ay sheegeen dadka deegaanka kooxahaasi ayaa rasaas huwiyay marxuumka.

Ciidanka Booliska ee Degmada Hodan ayaa waxaan jirin cid ay u soo qabteen dilka ninkaasi dhallinyarada ah loogu gaystay degmadaasi.

Bashiir Salaad Cali oo ay saaxiibo ahaayeen marxuumka ayaa sheegay in xilligan uu ka mid ahaa Shaqaalaha Isbitaalka Madiina.

Muddooyinkii ugu dambeysay waxaa Magaalada Muqdisho ku soo badanayay kooxaha burcadda ah, ee xilliyada habeenkii dadka ku baarta magaalada.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com