Nabadoon Xaad oo U Hanjabay Dadkii ka dambeeyay Xariga Taliyihii hore Ciidanka Danab

Nabadoon Maxamed Xasan  Xaad ayaa shirjaraa,id  oo uu qabtay ka hadlay xaalada taliyihii ciidanka Danab Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo muddo labo bil ah u xiran dowladda federaalka Soomaaliya, Wuxuuna ka digay madaxda sarre ee DFS isaga oo shaaciyay inay jiraan xubno ka tirsan dowladda oo shirqool u maleegaya Ismaaciil.

Nabadoonka ayaa sheegay inay soo gaartay in maqlay in Ismaaciil loo wareejiyo xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku xiran yihiin dagaalyahano ka tirsan ururka Alshabaab, isla markaana la rabo inay ku dhex dilaan xabsiga, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu ku dhaartay in tallaabo ay ka shallaayi doonaan ay ka qaadayaan xubnaha abaabulaya shirqoolka lagu khaarajinayo Ismaaciil Maalin, Wuxuuna xusay in Ismaaciil loo bartilmaameedsanayo qabiil ahaan, maadama ay isku beel-yihiin Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre.

Wuxuuna ku eedeyay Madaxtooyada  Soomaaliya inaysan rabin dowladnimo, isla markaana ay ku howlan-yihiin dembi qoorta ay u geliyaan taliyaha xiran. “Waxaan cod dheer ku sheegeynaa oo aan la gabaneynin, haddii ninkaasi wax gaaraan saameyn ay ka shallaayaan ayaa kasoo gaari doonta ragga shirqoolkaasi ka shaqeynaya,”

“Waan xishooneynaa, wallaahi haddii ay arrintaasi sidaas ku fusho saameyn ay ka shallaayaan ayay ku yeelan doontaa. waxaan ballan qaadeynaa Xamar in laga sameeyo mudaaharaadyo ay ka naxaan.” Ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com