Nabadoon caan ah oo lagu dilay degmada Kaaraan

Iyadoo Sacabka iyo Maamulka degmada Kaaraan ay cabasho ka muujinayeen amni darro xoogan oo kajirta Xaafadaha degmadaas oo intooda ugu badan ay sabab u yihiin Kooxaha Burcadda ah ee dhaca geysanaya iyo Kooxaha Ciyaar weerada oo dad badanย  dilay ayaa waxaa weli sii socda falalka amni darro.

Masโ€™uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir iyo laamaha Amniga ayaa xalay ku baxay dhibaatada amni darro ee kajirta degmada Kaaraan, bale durbadiida lagu dilay meelo kamid ah degmadaas Nin Nabaddoon ahaa.

Allaha Unaxariistee Nabadoon Cali Cumar Caraale ayaa koox hubeysan ku dhex dileen Goob ganacsi uu ku lahaa Degmada Kaaraan ee Gobolkan banaadir. Iyada oo dilka kadib ay goobta ka baxsadeen.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa qiray in degmada Kaaraan ay tahay degmada ugu amni darrada xun degmooyinka Gobolka Banaadir loona baahan yahay in laga hortago kuwa falalka amni darro geysta.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com