Dowladaha Deyn-bixiyayaasha ee ku bahoobay Naadiga Paris (Paris Club) waxay isku raaceen inay
dib-u-habeeyaan Deynta lagu leeyahay Somalia, iyo inay si degdegsiimo leh u Kansal gareeyaan Lacag Deyn ah oo ay ku lahaayeen Somalia oo qiimaheeda guud dhan yahay 1.4 Bilyan oo Dollar ($1.4 billion)
Go’aanka ay gaareen Dowladaha ku bahoobay Naadiga Paris Club oo ay markii ugu horeysay aragtay Wakaalladda Wararka REUTERS waxa lagu kansal-gareeyey 67% Lacagta guud ee ay Deyn-bixiiyayaasha Naadigaasi ku lahaayeen Somalia.
Go’aankaasi waxaa la qaatay xalay, kadib, markii ay Wakiilo ka kala socda Naadigaasi ay muddo 9 saacadood ah arrintaasi kaga xaajoonayeen Kulan Muuqaaleed Videoconference ah.
Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda ee XFS, C/raxmaan Ducaale Bayleh waxa uu soo dhaweeyey Go’aankaasi, oo uu ku tilmaamay Tallaabo Weyn oo ay horey u qaaday Somalia, oo haatan halgan kula jirta Ka-hortaga Faafista COVID 19 iyo Ayaxii dhawaan ku habsaday qeybo ka mid ah Somalia.
Wasiirka oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS waxa uu sheegay inay Wada-xaajoodyo Wax-ku-ool ah la galeen Dowladaha Deyn-bixiyayaasha ee Naadiga Paris Club, isla markaana ay soo dhaweynayaan taageeradooda ay Somalia kaga cafinayaan xaddi ballaaran oo ka mid ah Deynta ay Somalia ku leeyihiin.
Waxa uu intaasi ku daray inay Dowladda Federalka ay Wada-xaajoodyo kala gaar-gaar ah la yeelan doonto Deyn-bixiyayaasha, si loo dhamaystiro dadaalka Deyn-cafinta ee socda.
Wasiir Bayle waxa kale oo uu sheegay inay Xukuumadiisa sii wadi doonto Dib-u-habaynta Dhaqaalaha ee lagu tallaabsaday 8-dii sano ee la soo dhaafay ee Deyn-cafinta Somalia.
Xafiiska Wararka,muqdisho.
Info@aragticusub.com