Muxuu yahay khaladka uu galay Cumar Cabdirashiid ?

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababta uu u soo xaadiri waayey kulamadii golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya muddo afar sano ah.

Cumar Cabdirashiid ayaasheegay  in afartii sano ee lasoo dhaafay uusan soo xaadirin kulamadii golaha uu ka tirsanaa, isagoo shaaciyey in taasi ay ku dhacday hal khalad oo uu galay.

Ra’iisul wasaare Cumar ayaa khaladkaas ku sheegay in markii la doortay madaxweyne Farmaajo uu go’aasaday in kursiga uu ku celiyo beeshiisa, si qof kale loogu doorto.

Hase yeeshee waxa uu sheegay in beeshu ay ka codsatay in muddo uu sii hayo kursiga, kadibna uu yimaado Puntland oo laga soo doortay, si markaas qof kale uu ugu wareejo.

Cumar Cabdirashiid ayaa wareysigaan ku sheegay in soo jeedintaas uu aqbalay, isla markaana uu hadda ka qowmameynayo aqbalaadaas, maadaama uusan celin kursigii, afartii sano ee la doortana ay ka dhamaatay isagoo aan soo xaadirin hal kulan.

Cumar Cabdirashiid hadalka ka soo yeeray ayaa u muqda mid uu uga qoomameynaayo kursiga uu ku fadhiyay Afartii sano ee la soo dhaafay waxana intaas uu ku daray in hadda uu jecleystay in beeshiisa uu ka qanciyo arintaan

 Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com