Xildhibaan Mahad Salaad oo ka Tirsan Golaha shacabka Baarlamanka Soomaaliya ayaa ka hadlay Shirka uu Madaxweyne Farmaajo Isugu yeeray Gobolka Banaadir iyo Maamul Goboleedyada shirkaas oo madaxtooyada Soomaaliya ay sheegtay in lagu dhameystirayo Wadahadalkii Gudiyada ka kala socday Dawlad Federaalka dawlad Goboileedyada iyo Gobolka Banaadir ay Baydhabo kaga shireen Arimaha doorashada
Xildhibaan Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay Bartiisa face buugga ayaa ka hadlay Shirka 4ta bishaan Maarso ka dhacaya Muqdisho ee madaxweyne Farmajo uu isugu yeeray Maamul goboleedyada iyo gobolka banaadir.
Qoraala Mahad Salaad uu u qornaa Sidaan:
Farmaajo isagoo ka caraysan, kana cararaya Mudaharaadka maalinta Sabtiga iyo shirka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta u balansanyihiin maalinta Khamiista ayuu ku baaqay shir degdeg ah in ay isugu yimaadaan Dowlada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka maalinta Khamiista.
Mar hadii Farmaajo rabo in uu isku qataaro Ciidamada iyo Shacabka bannaanbaxaya, Musharaxiinta iyo Ra’iisul Wasaaraha, Dowlad Goboleedyda iyo Beesha Caalamka, Haddaba maxaa diidaya annagana inaan soo hormarsanno Mudaharaadka maalinta Sabtiga, lagana dhigo maalinta Arbacada ama Khamiista?!
Hon. Mahad Salad.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com