Muxuu Xasan Cali Kheyre ka Yiri, Magacaabista Ra,iisal Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya ?

Ra,iisal Wasaarihii  hore Soomaaliya  Xasan Cali Khayre ayaa ka Soo dhaweeyay Magacaabista Ra,iisal wasaaraha Cusub ee Soomaaliya, oo xalay  uu ku dhawaaqay Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Khayre ayaa Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay la shaqeeyaan oo garab istaagaan Raysal wasaaraha cusub ee dalka Maxamed Xuseen Rooble

Muqdisho ( Kalshaale ) Raysal Wasaarihii  hore Soomaaliya  Xasan Cali Khayre ayaa ka hadlay  Raysal wasaaraha Cusub ee Soomaaliya, oo Caawa uu ku dhowaaqay Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Khayre ayaa Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay la shaqeeyaan oo garab istaagaan Raysal wasaaraha cusub ee dalka Maxamed Xuseen Rooble.

“Waxaan u hambalyaynayaa Ra’iisul Wasaaraha cusub mudane Maxamed Xuseen Rooble. Waxaan Alle uga baryayaa inuu u fududeeyo mas’uuliyadda, kuna guuleeyo howlaha loo idmaday. Waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa inaan garab istaagno” Ayuu yidhi  Xasan Cali Khayre Raysal wasaarihii Hore ee Soomaaliya, hadana ah Musharax u taagan Xilka Madaxwaynaha Soomaaliya.

Madaxwayne Farmaajo ayaa sheegay inuu Ra,iisal wasaare Rooble  ku soo xushay Aqoonta, waayo aragnimada iyo kartida uu u leeyahay inuu sii ambaqaado dadaallada dowlad dhiska iyo horumarinta qorsheyaasha Qaran.

Wuxuuna ka codsaday inuu soo  dhiso Xukuumad tayo leh oo dalka horseedda in ay ka dhaqan geilso doorasho , dadaal muuqdana gelisa sidii loo xoojin lahaa guulaha laga gaadhay amniga, dib u dhiska Ciidamada Qalabka sida, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, baahinta adeegyada aas-aasiga ah, kamiro dhalinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo musuqmaasuqa.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com