Muxuu ka yiri Siyaasi Cabdulaahi Xaaji Dheere shirka Arimaha doorashooyinka looga hadlayo oo ka furmaya Muqdisho?

Madaxweynihii hore ee Maamulka Banaadir State Cabdullaahi Xaaji  Dheere oo ka hadlayay xaalada Siyaasadeed ee dalka ayaa soo dhaweeyay shirka la filayo in 20 bishan uu ka furmo magaalada Muqdisho ee u dhexeya dawlada Federaalka Soomaaliya dawlad Goboledyada iyo maamulka gobolka Banaadir

Shirkaan oo diirada lagu saarayo heshiiskii 17kii sebtember ayaa mid looga heshinaayo khilaafka ka tagan doorashooyinka Soomaaliya.

Siyaasiga Cabdulaahi Xaaji Dheere ayaa ugu baaqay dhaman dhinacyada shirka ka qayb galaya in ay heshiiska gaaraan murunka ka tagaan doorashooyinka Dalka .

Hadalka ka soo baxay Siyaasiyaga Cabdulaahi Xaaji Dheere ayaa ku soo  aadaya iyadoo madaxda dawlad goboleedyada qaar ay soo gareen Magaalada Muqdisho si  heshiis buuxa looga gaaro doorashooyinka dalka

Shirka 20ka bishan may ka furmaya muqdisho ayaa waxaa shir gudoominaya Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyadoo beesha Caalamkana goob jog ay ka noqon doonto.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com