Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo khudbad ka jeediyay xafladda xiritaanka shirkii ka socday Muqdisho, ayaa ka hadlay arrimo .
Madaxweyne Qoor Qoor, ayaa si guud ugu mahadceliyay Madaxda iyo Mas,uuliyiintii kasoo qeybgashay Shirka, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo sida uu sheegay muujiyay odaytinimo iyo tanaasul muddadii uu socday shirka wadatashi.
Mudane Qoor Qoor, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ay dalka ka dhacdo doorasho ku qabsoonta waqtigeeda, waxaana uu bogaadiyay Heshiiska Arrimaha Doorashada ee lagu gaaray Muqdisho.
Madaxweyne Galmudug, wuxuu ugu danbeyntii ka codsaday dhammaan dadka soomaaliyeed in ay soo dhaweeyaan heshiiskaan taariikhiga ah oo laga gaaray Hannaanka Doorashada Dalka
Xafiiska Wararka,Muqdisho.
Info@aragticusub.com