Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Dilay Koonfur Afrika.

Muqdidho,Muwaadin Soomaaliyeed ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay Wadanka Koonfur Afrika.

Dilkaan ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafada Bellville oo ka tirsan magaalada Cape Town.

Marxuumka la dilay  ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Nuur Degeb.

Qaar ka mid ah dadkii goobta ka agdhawaa ayaa sheegay in dilka marxuumka ka dambeeyeen niman Koonfur Afrikan ah oo bastoolado ku hubeysan.

Ciidamo boolis ah ayaa soo gaaray goobta dilku ka dhacay,halka ragii wax dilay meesha isaga baxsadeen.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.
Info@aragticusub.com.