Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa gudaha dalkaas waxaa ay xalay ku dileen muwaadin Soomaaliyed oo kamid ahaa Soomaalida ku Ganacsada dalkaas, iyaga oo goobta ka baxsaday.
Muwaadinka Soomaaliyeed oo Magaciisa lagu soo koobay Ilyaas ayaa rag hubeysan ay rasaaseeyeen isaga iyo Saddex Dhalinyaro ah oo la socotay Gaari ay saarnayeen xilli ay ku sugnaayeen Xaafadda Elsies River ee Magaalada Cape Town.

Mid kamid ah Soomaalida ku nool Xaafadda Elsies River ee Magaalada Cape Town ayaa sheegay in rasaas xoogan lagu furay Gaariga uu waday Muwaadinka dhintay iyo Saddex kale, hayeeshee ay ka badbaadeen Dhalinayaradii kale.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika ayaa tegay Xaafada uu dilka ka dhacay, iyaga oo baadi goobayay Kooxihii ka dambeeyay falkaasi dilka ah si ay Gacanta ugu soo dhigaan.
Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa aad loogu dhibaateeyaa Soomaalida ku nool dalkaas, waxaana sanadkaan 2021 la dilay in ka badan 10 Dhalinyaro ahaa, kuwaas oo kamid ahaa Soomaalida ku Ganacsatada Magaalooyinka kala duwan ee dalka Koonfur Afrika

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com