Muwaadin Soomaali Oo Xalay Lagu Dilay Dalka Koofur Africa.

Burcad hubeysan oo koonfur Afrikaan ah ayaa saqdii dhexe ee xalay deegaan South Gate oo ka tirsan Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika waxaa ay ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo goob Ganacsi ku lahaa dalkaas.

Burcada hubeysan ayaa gudaha u galay dukaanka uu ku sugnaa Muwaadinka la dilay, iyagoona rasaas ku bilaabay Muwaadinka Soomaaliyeed oo markii horey dhaawac halis ah uu kasoo gaaray weerarka, balse inta aan loola cararin Isbitaalka uu dhintay.

Allaha u naxariistee Muwaadinka la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdicasiis Axmed Siciid, waxaana uu kamid ahaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee dhowr iyo tobanka sanno daganaa dalka Koonfur Afrika oo uu ku lahaa goob Ganacsi.

“Tiilka ayuu ku jiray, Tuugada markay soo gashay dukaanka, kadibna si hal-haleel ah ayey isaga xabadda ugu bilaabeen, dhaawac halis ahaa gaaray, islamarkiiba intaan Isbitaalka la gaarsiinin ayey nafta ka baxday walaalkeen ALLAHA u naxariistee, laba Wiiloo kale oo la joogtayna midna wuu cararay kii kalana way qabteen balse nasiib wanaag waxba ma gaarsiinin” ayuu yiri Muwaadin Soomaali ah oo ka hadlaayay dilkii dhacay.

Burcadda weerarka gaysatay, ayaa la sheegayaa inay wataan Gawaari badan, xalayna ay Dukaamo dhowr ah jebiyeen oo ay Alaabo badan ka rarteen, dukaanka ay xalay weerarka ka gaysteena ay dhowr Habeen kahor sidaan oo kale isugu dayeen inay dhacaan.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com