Muwaadin Soomaali oo lagu dilay Maraykanka

Allaha u Naxariisto Cali Ismaaciil oo 36 jir ah ayaa lagu dilay magaalladda Arlington ee Gobalka Texas ee dalkaasi, sida ay Boliska sheegeen.
Marxumka oo Aabe u ahaa 6 carruur ah waxa uu deganaa magaalladda Arlington.
Hadal ka soo baxay Boliska Maxaliga ayaa lagu sheegay in Labo dabley oo hubeysan dileen, ka hor intaysan baxsanin.
Toogashada waxay Waaberigii hore ee Talaadadii la soo dhaafay, Abaarihii 5:15 am ee Xilliga dalkaasi ka dhacday Waddada Prentice Street oo ku dhow Jidka South Collins Street ee isla magaalladdaasi.
Marxuumka waxa uu ku dhintay isla goobta ay Dableyda ku toogteen.
Saraakiisha Boliska markii ay tageen goobta, waxay arkeen Dhibane ay ku yaallaan rasaas oo ku dhex jira Gaarigiisa, kaasi oo la aqoonsaday inuu ahaa Marxum Cali Ismaaciil oo 36 jir ah.
Baarayaasha Boliska ku hawlan Kiiska Dilkiisa, waxay sheegeen in Marxumka lagu dhex toogtay Gaarigiisa, xilli uu Shaqadiiaa ka soo laabtay, kuna soo socday Gurigiisa.
Baarayaasha waxay Xuseen inay Marxuumka toogteen 2 Nin oo hubeysan, kuwaasi oo doonayey inay jabsadaan gaadiid yaallay barxadda ay dadka deriska dhigayaan Gaadiidkooda.
Labada Eedeyaane ee toogtay Muwaadinka Soomaalida waxaa la sheegay inay u carareen dhanka Bari ee Waddada Prentice Street.
Dhanka kale, Boliska waxay shalay oo Arbaco ahayd heleen Muuqaal Video Video ay duubtay Kaamerooyinka Qarsoon ee CCTV oo caddayn u ah qaabkii ay dableyda u jabsan lahaayeen Gaadiidka yaalla barxadda u gaarka ah dadka deriska.
Mid ka mid Muuqaalada oo Kameeradda CCTV duubtay abaarihii 2:30 saqdii Dhexe waxa uu muujiyey Nin isku dayey inuu jabsado gearing yaallay Barxadda dadka uu Marxuumka Cali Ismaaciil deriska la ahaa.