Muwaadin Norwegian ah oo laga helay Cudurka Coronavirus.

Roma, Warbaahinta Talyaaniga ayaa xaqiijiyay in Muwaadin Norwegian ah ka mid yahay dadka ilaa iyo hada laga helay cudurka halista ah ee Coronaverus.

Wiilkaan ayaa ahaa arday wax ka baranayay dalka Talyaaniga isla markaana isbuuc ka hor la sheegay in uu ku sugnaa Norwey.

Shaqaaaha Caafimaadka Talyaaniga ayaa xusay in wiilkas la geeyay goobaha lagu xanaaneeyo dadka Cudurkaas la il daran.

Wiilka ayaa saaxiib dhaw la ahaa oday 63-jir ah oo la ildarnaa cudurkaas.

Talyaaniga ayaa haatan la tacaalaya sidii loo xakameyn lahaa cudurkaan ku sii faafaya Gobolada dalkaas.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com