Muuse Biixi Cabdi iyo Uhuru Kenyatta oo ku kulmay Nairobi

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta qaabilay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo shalay booqasho ku tagay dalkaasi.

Aqalka Madaxtooyada Kenya ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo labada dhinac dan u ah. Madaxtooyada Kenya waxay sheegtay in kulan labaad uu dhexmari doono labada dhinac maalinta Talaadada ee berrito ah, si wada-hadallada loo soo gabagabeeyo.

Kenya ayaa sheegtay shalay inaysan joogitaan diblomaasiyadeed ku lahayn Somaliland balse ay garawsan tahay deganaanshaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee gobolka, ayna danaynayso inay hormariso, ayna ballaariso baayac-mushtarka iyo maalgashiga.

Kenya waxay sheegtay n Somaliland ay muhiim u tahay Geeska Afrika marka ay noqoto la dagaalanka argagixisada gaar ahaan Al-Shabaab.

Dhinaca kalena, dawladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxda urur goboleedka IGAD ay shiri doonaan 20-ka December, kulankaasi oo lagu qaban doono dalka Jabuuti.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay dacawad u gudbisay urur Goboleedka IGAD, taasi oo ka dhan ah Kenya oo ay ku eedaysay xadgudubyo ka dhan ah madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Soomaaliya waxay sheegtay in urur goboleedka IGAD oo ka jawaabaya taas uu qabanayo shirkan degdegga ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ma sharxin dacwaddan u damabysay gaar ahaan waxa ay la xidhiidho.

Kenya weli kama aysan jawaabin qoraalkan ugu dambeeyey ee dawladda federaaka Soomaaliya. Hase yeeshee waxay dawladda Kenya bishii hore soo saartay war qoraal ah oo ay ku beeninaysno faragelin ah siyaasadda iyo arrimaha gudaha Soomaaliya.

Kenya ayaa sheegtay inay ka xun tahay tallaabada Soomaaliya qaadday, waxayna dhinaca kale sheegtay inay ixtiraameyso mabaadi’da caalamiga ah ee aaya-ka-tashiga, qarannimada, madax-banaanida siyaasadeed iyo sharafta dhuleed ee dhammaan dalalka, gaar ahaan kuwa Afrika.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com