Muudey: Amarkii General Odawaa, dareen iyo hadalhayn badan ayuu abuuray

Siyaasiga Xasan Cabdulqaadir Muudey ayaa sheegay in amarka ka soo baxay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage uu dhaliyay dareen iyo hadalhayn badan oo bulshada dhexdeeda ah.

Taliyaha ayaa dhammaan Ciidanka Militariga oo ay ku jiraan kuwa shaqada ilaalada haya ku amray in ay xeryahooda dib ugu soo laabtaan.

Ciidanka Militariga ee xeryaha ka maqan waxaa qayb ka ah kuwo ilaaliya Madaxweyne-yaashii hore ee Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Digreeto uu ku saxiixnaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ciwaankeedu ahaa (Amar joojin shaqo leexsan) ayaa lagu amray Saraakiisha Ciidanka Militariga inay soo xareeyaan askarta ku maqan shaqada leexsan.

Saraakiisha ayaa sidoo kale lagu amray inay soo xareeyaan askarta ilaalo ahaanta shaqadooda uga maqan, maadaama ay jiraan shaqooyin adag oo horyaala baa digreetada lagu yiri Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, ayna askartaasi u gutaan xilka iyo waajibaadka ka saaran difaacidda Qaranka.

Ciddii ka dhego adeegto fulinta amarkan ayaa waxaa loogu hanjabay in laga qaadi doono tallaabo ku haboon, isla-markaana sharciga waafaqsan.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com