Musharrax Xasan Cabdulaahi Karate oo ka haray Tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya

Musharrax Madaxweyne Xasan Cabdulaahi karate oo war qoraal ah ku soo qoray bartiisa face book  ayaa sheegay in markii uu qiimeeyay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo sida lagu soo xulay Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya uu go’aansaday in uu tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya uu isaga hadhay.

Qoraalka uu bartiisa face book uuku soo qoray Musharax madaxweyne Xasan Cabdulaahi karate ayaa u qornaa Sidaan: ASC WWB Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, Gaar ahaan Taageerayaashayda, Saaxiibada, Asaxaabta ii dhow, Ehelka iyo Qaraabada:

Mudaneyaal iyo Marwooyin Anigoo ah Xasan Cabdullahi Cumar Xidig (Karate) Waxaan idinla wadaagayaa in aan ka baxay ama aan ka hadhay Tartankii Muarashaxnimada Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya maanta oo Jimce ah Bisha Mayna ay tahay, 6 2022, Ololahaas oo aan soo bilaabay 2019 kii, ayaa waxaan sabab uga dhigayaa:

1. Markaan qiimeeyey xaalada Guud ee Dalka.
2. Markii aan ka warhayey hab dhaqankii foosha xumaa ee ay Maamul Goboleedadu ku soo xuleen Xildhibanada Codka bixinaya.
3. Markii aan fiiriyey Saxansaxadda Roobka da’i doona.
4. Markaan u kuur galay hab dhaqanka sida ay wax u socdaan.
5. Markaan ogaaday in Dadka Aniga ila midka ah in ayna waxba ku leeyihiin Doorasho aan ahayn Hal Qof iyo Cod ah, ( One Man One Vote ).
6. Ayaa waxaan go’aan ku gaadhay in ayna Xiligeygii ahayn, ilaahay amarkii.

Waxaan mar walba u taagnahay Horumarka Dalkayga, Dadkayga iyo Difaaca Diinteyda.

Fiiro Gaar ah:

Tageerayaashayda iyo Xildhibaanada aan ku xidhnaa oo ka soo kala jeeda, Puntiland iyo Galmudug waxaan u Sheegayaa mar hadii aan Tartankii ka hadhay Dadka Tartamaya Qofka keliya ee aan is leeyahay waxaa ka go’an in uu soo celiyo Qaranimadii Soomaaliya iyo Sharafkii, oo ka fog Musuq iyo Xoolo la dhaco iyo in u dhiso Xoogii Dalaka Soomaaliyeed waa Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ee dhugmo gaar ah ha loo lahaado, ilaahay amarkii.

Mahadsanidin

Ex Murashax Madaxweyne ee Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya’ ayuu qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay Musharrax Madaxweyne Xasan Cabdulaahi karate .