Musharrax Jibriil Ibraahim Cabdulle oo soo dhaweeyay shirka Maanta ka Furmay Muqdisho

Musharrax madaxweyne Jibriil Ibraahim Cabdulle oo soo dhaweeyay shirka wada tashiga qaran ee Muqdisho ka furmay ayaa yiri:
“Shirka oo in mudo ah la sugayay in u qabsoomo waxaan rajaynayaa in ay ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah kuwaas oo farxad geliya dhammaan Umadda Soomaaliyeed oo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay welwel xoogan ka qabay xaalada dalka ku sugan yahay ayuu yiri’Musharax Jibriil Ibraahim Cabdulle.
Waxaa ii muuqata yadadiilo iyo dareen cusub oo ay la yimaadeen madaxda ka qaybgalaysa shirka, taas oo astaan fiican u ah in ay jirto kalsooni, is aaminaad sahli doonta in heshiis laga gaaro geeddi socodka arimaha doorashooyinka.
Dalku waxaa uu ku jiraa xaalad adag oo kala guur ah taas oo u baahan tanaasulaad iyo Jihaynta Mustaqbalka dalka iyo dadka. Sidoo kale waxaa lama huraan ah in aanan la lumin dadaaladii lagu bixiyay dib u yagleelida dowladnimada Soomaaliya.
Waxa aan markale ku adkeynayaa madaxda maanta ka qaybgalaysa Shirka Wadatashiga Qaran in ay qaataan go’aano geesinimo leh si xal loogu helo caqabadaha hor taagan geeddi socodka doorashooyinka.” ayuu yiri Musharax Jibriil.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com