Musharrax Daahir Geelle oo ka Tacsiyadeeyay geerida sheekh Nuur Baaruud

Dr. Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah Midowga musharrixiinta ayaa ka tacsiyadeeyay geerida sheikh Nuur Baaruud Gurxan oo xalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Qoraal uu bartiisa face buugga uu soo dhigay Musharx Daahir Maxamuud Geelle ka Tacsiyadeeyay geerida sheikh Nuur Baaruud Gurxan.

Waxaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan ehellada la qaybsanayaa murugada ugana tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo Muqdisho ku geeriyooday.

Marxuum Sheekh Nuur wuxuu ahaa Caalim Soomaaliyeed oo diinta Islaamka ku xeel dheer door muuqadana kasoo qaatay wacyigelinta bulshada iyo fidinta diinta Islaamka.

Jannatul Firdowso Allaha ka waraabiyo Marxuum Sh Nuur, sabar iyo iimaan Allaha naga siiyo.

إنا لله وإنا إليه راجعون

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com