Musharixiinta Mucaaradka ah oo war ka soo saaray Shirka Dhuusamareeb

Midowga Musharraxiinta Mucaaradka ah  ayaa baaq ka soo saaray Shirka madaxda dowladda Federaalka ‘ dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka banaadir  uga socda magaalada Dhuusamareeb

Midowga Musharixiinta ayaa shirka u rajeynayay in ay ka soo baxaan natiijo lagu qananacsan yahay  inta shirka ka qayb  galeysa iyo kuwa ka maqan iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Golaha midowga Musharixiinta  ayaa ka digay in aan la  aqbali doonin in dalka ay xukumaan shakhsiyaad iyo hay’ado muddo xileedkooda dastuuriga dhammaaday.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com