Musharaxala tartamaya Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

Dalka Jabuuti waxaa lagu wadaa toddobaadkan in ay ka bilaabmaan ololaha doorashada madaxtinnimada oo la filayo in dalkaas ay ka dhacdo bisha April horraanteeda.

Durba, qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka ah ayaa qaaddacay doorashadaas, iyaga oo ku eedeeyey madaxweynaha xilka haya Ismaaciil Cumar Geelle, in uusan diyaar u ahayn in uu qabto doorasho xor iyo xalaal ah.

Balse illaa iyo hadda waxaa jira hal musharrax oo u soo ban baxay la tartamidda Ismaaciil Cumar Geelle, waana Sakariye Ismaaciil Faarax, oo ah musharaxa keliya ee u taagan tartanka madaxtinimada ee dalkaas sheegayna in uu la tartami doono madaxweyne Geelle.

Sakariye Ismaaciil Faarax ayaa sheegay doorashada Jabuuti iyo walaaca ay muujiyeen mucaaradka xilli uu isagu noqday musharraxa kaliya ee la tartamayo madaxweyne Geelle.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com