Musharax Daahir Geelle oo sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu beegsanayo Madaxda isaga Xukunka uga horreysay

Sheekh Daahir Maxamuud Geelle ,oo ka tirsan  Midowga Murashixiinta, ayaa sheegay in weerarkii xalay lagu qaaday hotel Maa’ida, uu ahaa mid qorshaysan oo madaxweyne Farmaajo ku doonayay in lagu khaarajiyo madaxweynayaashii ka horreeyay ee Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh Maxamuud.

Murashax Daahir Geelle ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo weerarkaas u qaaday, si loo fashiliyo bannaanbaxyo Nabadeed oo la doonayo, in ay maanta oo Jimce ah ka dhacaan Muqdisho, islamarkaana lagu dalbanayo in dalka doorasho laga qabto.

“ Waxaan leenahay Farmaajo waa nin horor ah haddii uu madaxdii ka horraysay maagay idinkana waa idin maagi karaa la iskuma aamini karo. Goob nabad ah oo dadku isu’gu yimaadaan baa loo baahanyahay” ayuu yiri Murashax Daahir Geelle.

Sidoo kale Waxaa uu ugu baaqay Musharax Geelle Madaxda dowlad goboleedyada, in aysan imaan Shirka madaxweyne Farmaajo ku baaqay, si aysan Amnigoodu khatar u gelin, maadaama Farmaajo weeraray madaxdii isaga xukunka uga horraysay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

info@aragticusub.com