Museveni oo dallacsiiyey Saraakiil uu ka mid yahay Taliye ka hawlgalay Somalia

Madaxweynaha dalka Uganda, ahna Taliyaha Guud ee Ciiddamadda dalkaasi, Yoweeri Kaguta Museveni waxa uu darajooyinka u kordhiyey 40 Saraakiil Sarsare oo ka tirsan Ciiddanka Difaaca dalkaasi ee UPDF.

Sida laga soo xigtay Liis ay daabacday Afhayeenada Ciiddnka Uganda, Sarreeye Guute Falvia Byekwaso waxa ka muuqday in 7 Sarkaal oo darajadooda ahayd Sarreeye Guute loo dallacsiiyey Sarreeye Gaas (Major General), halka 77 kale oo Koloneel ahaa loo dallacsiiyey Sarreeye Guute (Brigadier General).

Dhinaca kale, Saraakiisha min hal darajo la dallacsiiyey waxaa ka mid ah Taliyihii hore ee Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, Sarreeye Guute Kayanja Muhanga oo loo dallacsiiyey Sarreeye Gaas.

Waxa kale oo uu Muhanga dhawan ahaa Xiriiriyihii Hawlgalka wadajirka ee Ammaanka Kampala muddadii ay socotay Doorashadii Guud ee dalkaasi bilowgii sanadkan ee Madaxweyne Museveni markii 6-aad loo doortay inuu hoggaamiyo dalkaasi oo uu dagaal Jabhadayn ku qabsaday bishii sanadkii 1986-dii.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com