MUQDISHO: Dhaqtar laga helay Coronavirus oo ka hadlay sida uu cudurkan ku qaaday

Dhaqtarkii labaad ee laga helay magaalada Muqdisho cudurka Coronavirus ayaa ka hadlay xaaladiisa iyo sida uu maleynayo inuu cudurkan ku qaaday.

Dr. Maxamed Cismaan Maxamed (Nasiim) oo ka tirsan Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, kuna howlanaa la-tacaalida dadka uu cudurkan soo ritay ayaa sheegay inay haatan xaaladdiisu wanaagsan tahay oo ay ka yaraadeen calaamadihii uu horay isugu arkay sida qufaca iyo neeftii ku dhageysay.

 

”Ma garanayo sida aan ku qaaday xanuunkan iyo qofka aan ka qaaday balse waxaan u maleynayaa iney yihiin dadkii uu haleeyay fayraska ee aan la tacaaleynay”, ayuu yiri Dr Maxamed Nasiim oo u warramay.

Wuxuu sheegay Dr. Nasiim inay aad u adag tahay in qofku ku negaado guriga, isagoo bartay inuu subax waliba kaco oo shaqa tago, isagoo aan la qabsan karin nolosha guri joogga ah, sida uu yiri.

Dr. Maxamed Cismaan wuxuu Bulshada Soomaalida u jeediyay talooyin muhiim ah oo la xiriira coronavirus.

”Talada ugu horreysa ee aan bulshada siinaya ayaa ah, waa iney raacaan farrimaha iyo wacyigelinta kaga imanaeysa Wasaaraddda Caafimaadka, midda labaad waa iney nadaafadda ku dadaalaan oo markasta gacmaha iska dhaqaan ayna ku dadaalaan iney dadka kala fogaadaan. Haddii aad isku aragto calaamada fayraska Corona fadlan, gurigaaga joog kana fogow dadka kugula nool guriga, kadibna la xiriir bahda caafimaadka adigoo si hufan u raacaya talooyinka ay ku siiyaan”. Ayuu yiri Dr. Maxamed Cismaan.

Dr. Ibraahim Guuleed oo ka howlgala Isbitaalka Digfeer ayaa shalay shaaciyey in cudurka laga helay, kadiba uu gurigiisa isku karaantiilay.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com