Munaasabadda 26-ka June oo lagu qabtay Muqdisho & Gobolada dalka

Magaalada Muqdisho iyo inta badan Gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa xalay lagu qabtay munaasabado loogu dabaaldagayay 61-guuradii kasoo wareegtay markii Gobolada Waqooyi ay ka xuroobeen Gumeystihii Ingiriiska oo ku beegneyd 26-kii june ee sanadkii 1960-kii.
Madaxweynaha mudo xileedkisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay Munaasabadda Xuska 26-ka June oo lagu qabtay Madaxtooyada ayaa ugu hambalyeeyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed Sannad Guurada 61-aad ee ka soo wareegtay Maalintii Xorriyadda Gobollada Waqooyi.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa soo bandhigay taariikhda halgankii xornimadoonka Dalkeenna, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ee Gobollada Waqooyi ku ammaanay doorkoodii gobannimo u dirirka iyo isu-doonta ummadda Soomaaliyeed.
“Halgankii gumaysi diidka iyo Soomaali isu doonku waxa uu ahaa mid ay hormuud u ahaayeen Gobollada Waqooyi. Dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo doonka ahaa ee ka curtay Gobolladaa waxa ay horseed u ahaayeen madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya, waxaana xusid mudan halgankii gobannimo u dirirka ahaa ee Daraawiishta iyo doorkii SNL ay ku lahayd xoreynta Gobollada Waqooyi oo la mid ahaa doorkii SYL ku lahayd xornimada Gobollada Koonfureed.”
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay xejistaan gobannimadooda, wadajirkooda iyo sooyaalkooda, isaga oo walaalaha Gobollada Waqooyi ugu baaqay in ay hormuud u noqdaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
Dhinaca kale Magaalada hargeysa ee degaannada Soomaliland ayaa lagu qabtay munaasabadda 26-ka June, waxaana ka qeyb mas’uuliyiin uu kamid yahay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu si qoto dheer u sharraxay shuruucda iyo xeerarka aasaasiga ah ee Afrika ay ka dhaxashay isticmaarkii reer Yurub ee xuduudaha u kala sameeyey, waxana uu yiri, “Somaliland waxay hore ugu martay ee ay nabadda u noqotay, xukunkeeda, gobolladeeda, doorashadeeda iyo maamulkeedu waxay ku fadhiyaan 26-kii June 1960-kii sharcigii ay ku deggenayd ee ay isticmaarka ka dhaxashay ee Afrika oo dhani ku fadhido ayey Somaliland ku fadhida.”
Muddadaa aynnu jirnay waxaynu ku guulaysannay, markii horena Toddoba doorasho, saddex madaxweyne ayaa isku beddelay si nabadgelyo ah oo qof iyo cod ah, laba gole oo Baarlamaan baa isu beddelay, laba gole deegaan baa doorasho nabadgelyo ah isku beddelay, waana Ilaahay mahaddii, intaynu Toddobadaa doorasho gelaynay soddonkaas sanno, Soomaaliya, iska daa doorasho’e waxa loogu taag la’yahay kolba shir ay u qabato dawlad shisheeye oo lagu soo magacaabo dad faro-ku-tiris ahi inay madaxweyne iyo Baarlamaan doortaan ayuu yiri” Muuse.
Dhamaan Goobihii lagu qabtay munaasabadaha 26-ka June ayaa waxaa laga taagay Calanka Buluuga ah ee Soomaaliya saacadu markii ay aheyd 12: 00 Saqdhexe, iyada oo la ridayay rasaas loogu dabaaldegayay markii Gobolada Waqooyi ay ka xuroobeen Gumeystihii Ingiriiska oo ku beegneyd 26-kii june ee sanadkii 1960-kii.|

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com