Munaasabad lagu xusayay Aasaaska Puntland oo Gaalkacyo lagu qabtay-Sawiro

Madaxweynaha  Puntland Siciid Cabdullaahi Den,i ayaa xalay ka qay-galay Munaasabadda Xuska  sannad-guurada 22-aad ee as’aaskii maamulka  Puntland, oo  markii ugu horeysay Gaalkacyo lagu qabtay.

Munaasabadda waxa sidoo kale ka qayb-galay Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiweli Gaas, mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha Puntland, Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi, Maamulka Gobolka Mudug kan Degmada Gaalkacyo, Ururada Bulshada Siyaasiyiin Hoggaanka Dhaqanka Aqoonyahanno iyo qaybaha kala duwan  ee Bulshada Gaalkacyo.

Madaxweynaha puntland ayaa sheegay in puntland Horumar  dhinac walbo leh ee  gaartay 22-kii sano ee lasoo dhaafay, oo ay ku jirto waxqabadka guulaha laga gaaray ee ay sanadkan hirgelisay puntland  sida Amniga, tirakoobka, tayeynta iyo dib-u-habeynta Ciidamada, hirgelinta nidaamka dimuqraadiyada, nabadeynta iyo isbedelka tayeyn iyo tashiil ee maaliyadda.

Dowlad goboleedka  Puntland ee Soomaaliyeed ayaa la asaasay 1998-dii, Waxaana 22kii sano ee nidaamka Dowladdnimo dhisnaa uu dadka reer Puntland gaarsiiyey barwaaqo iyo horumar, Soomaaliyana waa u sal iyo tiir waana meeshii laga baadi doonay dib u yagleelka Dowladdnimada Soomaaliya burburkii kadib.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com