Banaanbax weyn oo ay dhigeen ay dad ka caraysan go’aan uu shalay soo saaray madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ka dhacay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.
Banaan baxayaasha oo isugu jirey Haween iyo Rag ayaa ka cabanayey Sicir bararka iyo Qiimaha Maciishada oo Qaaliyoowday markuu doollarkii kacay iyo Maamulka Puntland oo diiday inay canshuurta lacagta Soomaaliga ah ku qaado.
Madaxweyne Deni ayaa amar uu soo saaray wuxu ku joojiyey lacagtii shillin Soomaaliga ee canshuurta looga qaadi jirey kastamka dekeda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Inta badan Xaruumaha Ganacsiga Puntland ayaa maanta laga diiday in wax lagu iibsado lacagta shillin Soomaaliga ah kadib amarkii shalay ee madaxweynaha Puntland, waxaana sidoo kale banaanbaxyo ka dhaceen magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com