Mucaaradka Madaxweyne Farmaajo oo Abaabulaya dibad bax

Qaban qaabada  dibad bax looga soo horjeedo dib u dhaca doorashooyinka iyo khilaafka saameeyay oo ka socda Magaalada Muqdisho.

Dibad baxa ayaa waxaa soo Abaabulay xubno ka Tirsan Siyaasiyiinta Mucaaradka ah iyadoo laga cabsi qabo in rabshado ay ka dhashaan dibad baxa madaamaa lagu kala qaybsan yahay marxalada siyaasadeed ee dalka

Xog ay heshay Warbaahinta aragticusub ayaa sheegeysa in xubnaha dibad baxya qaban qaabinaya ay doonayaan in ka faa’ideystaan xaalada kala guur ee dalka uu ku jiro iyaga oo dooneya in Fariin ay u gudbiyaanshacabka.

Abaabulka dibad baxa ayaa ka duwan kuwii hore loo qaban jiray waxaana hadda muuqata in mucaaradku ay isticmaalayaan Awood haddii laysku dayao in laga hor istaago dibad baxa.

Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa u eg mid Allow sahal ah iyadoo Mucaradka iyo Dawlada Madaxweyne Farmaajo ee Muddo Xileedkeedu uu dhamaaday ay  muuqdaan kuwo mindi isku Afeysanaya Haddii midba midka kale uu isku dayo in uu ka hor istaago danahiisa siyaasadeed.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com