Mucaaradka Kenya oo ka hadlay go’aan ka soo baxay booliska xilli maanta laga cabsi qabo dibad baxyo

Mucaaradka Kenya ayaa wacad ku maray in ay sii wadi doonaan mudaaharaadyada la qorsheeyay in ay dhacaan Isniinta inkastoo booliska ay ka digayaan in ay sii xoojin doonaan howlgallada ka dhanka ah waxa ay u arkaan dibadbaxyada sharci darrada ah.

Mudaaharaadyada ayaa billowday todobaadkii hore, waxaana ay rabshado ka dhaceen dhowr goobood oo mucaaradku uu ku xoogganaa.

Hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa sheegay in dibadbaxyada la qaban doono maalmaha Isniinta iyo Khamiista kuwaas oo uu sheegay in looga soo horjeedo sare u kaca ku yimid ​​qiimaha maciishada iyo go’aanadii ka soo baxay doorashadii dalka ka dhacday sanadkii la soo dhaafay.

Balse madaxa booliiska, Japhet Koome, ayaa Axaddii sheegay in uusan “oggolaan doonin wax mudaaharaad ah oo ka dhaca dalka” wuxuuna ka digay inay taasi horseedi karto in dad badan xabsiyada loo taxaabo

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com