Morokko oo Ukraine ugu deeqday Taangiyo casri ah

Dawlada  Morocco ayaa la sheegay inay 20 Taangiyada noocoodu yahay T-72B ay u dirtay dalka Ukraine, si ay ugu adeegsadaan Dagaalka ay kula jiraan Ciiddanka Raashiya.
Shabakadaha Wararka ee The menadefense news iyo The Defense Post ayaa qoray in Taangiyada ay Milliteriga Morocco ugu deeqeen dhigooda Ukraine waxaa dib loogu casriyeeyey Garaashyada ama Goobaha Shaqo ee (The the Excalibur Army workshops) ee Jamhuuriyadda Jeek (Czech Republic).
Dhanka kale, Warbixinta laguma shaacinin Tirada Rasmiga ee Taangiyada loogu deeqay Ukraine, balse, waxaa la arkay ku-dhawaad 20 Taangi, xilli uu Ra’isul-wasaaraha dalka Jeek, Petr Fiala socdaal kormeer ah ku tegay Xarumaha Shaqo ee lagu casriyeynayo Taangiyadaasi oo ku taalla magaalladda Sternberg.
Go’aanka ay Milliteriga dalka Morocco ay Hubka ugu dirayaan Ukraine ayaa la qaatay intii uu socday Shirweynihii Ramstein bishii April 26-dii ee sanadkii hore.
Dalalka Morocco iyo Tunisia ayaa ahaa labada dal ee dalalka Waqooyiga Afrika ku matalayey Shirkaasi.