Mooto Bajaajle lagu dilay Muqdisho

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in goor dhaw halkaasi lagu dilay darawal Mooto Bajaaj oo saaka soo shaqo tagay.

Dilka darawalkaan Mooto Bajaajta ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafadda Saybiyaano ee Degmada Hodan, kadib markii shaqsi ay wada murmeen uu toogashadan gaystay.

Darawalka Mooto Bajaajta & ruux watay gaari nooca raaxadda ayaa ku wada murmay marista seedka laamiga, waxaana taasi ay keentay shaqsigii watay Gaariga raaxadda oo hubaysnaa inuu soo dagay, kadibna xabad uu ku dhuftay Bajaajlaha.

Toogashada kadib waxaa goobtaasi ka baxsaday ninkii falka dilka ah gaystay oo watay gaari nooca raaxadda, kaasi oo aan la aqoon meel loo raadiyo.

Ciidamada Booliska oo gaaray goobta dilka uu ka dhacay ayaa waxa ay sameeyeen baaritaan ku aadan raadka dambiilaha dilka gaystay, balse wali lama soo qaban.

Goobta dilka uu ka dhacay waxaa laga qaaday maydka Marxuumka Bajaajlaha ah ee sida Bareerka ah loo toogtay, kaasi oo la geeyay xarunta dambi Baarista Booliska Somaliyed.

Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca dilal gardaro ah oo loo gaysto dadka masaakiinta ah ee Magaalada u soo shaqo taga.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com