Mo Faarax oo ku guuleystay Tartan Orod ah oo ka dhacay Dalka Jabuuti

Dalka Jabuuti waxaa lagu soo gabagabeeyay tartan dhanka orodka ah oo ka socday dalkaas.

Waxaana kaalinta koowaad ku guuleystay Maxamed Faarax oo ka socday Britain halka kaalinta labaad uu galay Bashiir Cabdi oo ah nin Soomaali ah oo matalayay dalka Belgium.

Waxaana kaalinta saddexaad uu galay Muumin Buux oo ka socday Jabuuti.

Tartankan waxaa soo qabanqaabiyay xiriirka tartamada orodka ee Jabuuti.

Tartamadan waxaa ka qeybgalay waddamo dhowr ah oo ay kamid yihiin Kenya, Soomaaliya, Itoobiya, Britain iyo Belgium.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com