Militariga Dalka Myanmar oo sheegay in ay qaban doonaan doorasho

Hogaamiyaha militariga ee dalka Myanmar ayaa sheegay in ay qaban doonaan doorasho ka dib afgembigii dalkaasi ka dhacay bishii February.

Janaraal Min Aung Hlaing ayaa ka hadlayay goob ay militariga ugu dabaaldagayeen maalinta ciidanka dalkaasi.

Xafladda dabaaldaga ayaa waxay ka dhacday caasimada Myanmar ee, Naypyidaw.

Waxaa uu intaa ku daray in ficilada lagula kacay dibadbaxayaasha ay ahaayeen kuwa aan habooneyn.

Dadka ka soo horjeeda afgembiga oo ku baaqay dibadbaxyo waawayn ayaa waxaa ay militariga ugu hanjabeen in gacan bir ah lagu qaban doono.

Janaraalka hogaamiya maamulka militariga Mayanmar ayaa dhanka kale waxaa uu goobtii xuska lagu qabanayay uu ku soo dhaweeyay ciidmo Ruush ah , isaga oo Ruushka ku tilmaamay saaxibka dhabta ah ee Myanmar.

Janaraal Min Aung Hlaing ayaa sheegay in militariga sababta ay awoodda ula wareegeen ay tahay waxyaabaha sharci darada ah ee ay sameeyeen xisbiga the National League for Democracy.

Maamulayaasha militariga ayaa xabsiga dhigay Aung San Suu Kyi, hogaamiyaha rayidka ah ee dalka ahna madaxa xisbiga National League for Democracy (NLD).

Xisbiga NLD ayaa si aqlabiyad leh ugu guulaystay doorashadii sannadkii hore dalkaas ka dhacday, hase ahaatee militariga ayaa sheegay in doorashadaas lagu shubtay.

Afgembigaasi ka dib waxaa dalkaasi wali ka socda dibadbaxyo ay dadka uga soo horjeedaan xukunka militariga.

Tan iyo intii ay dibadbaxyada bilaabmeen ayaa waxaa booliiska dalkaasi lagu eedeeyay in ay awood xad-dhaaf ah adeegsaden islamarkana ay dileen dad dibadbax dhigayay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com