Milatariga Suudaan oo dilay 15 ka mid ah dibadbaxyaasha afgambiga ka soo horjeeda.

Ciidamada ammaanka ayaa toogasho ku dilay ugu yaraan 15 qof, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, iyadoo kumanaan Suudaani ah ay isugu soo baxeen waddooyinka waana dhimashadii ugu badneyd muddo bil ah oo ay socdaan mudaaharaadyada looga soo horjeedo xukunka militariga, sida ay sheegeen dhakhaatiirta.

Mudaaharaadayada ayaa inta badan ka socda magaaladda Caasimadda ah ee  Khartoum iyo Omdurman oo ah magaalada ugu dadka badan Suudaan dhacdana daanta galbeed ee wabiga Nile.

Waxa ay intaa ku dareen dhaqaatiirtu in dad kale ay ku dhaawacmeen “rasaas toos ah” oo ay fureen ciidamada ammaanku.

Mar sii horreysay, goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala eryaan dibadbaxayaasha caasimadda Khartoum iyo magaalada Omdurman.

Isgaarsiinta ayaa hawada laga saaray, waxaana bannaanbaxyo kale ay ka dhaceen magaalada Wada Madani, ee koonfurta Khartoum.

“Malaayiin qof” ayaa isku soo baxay laba maalmood ka dib markii hogaamiyiha afgambiga General Abdel Fattah al-Burhan uu mar kale isu magacaabay madaxa golaha qaranka, golaha ku meel gaarka ah ee Sudan.

Talaabadan uu Khamiistii qaaday Al Burhaan ayaa ka caraysiisay isbahaysiga dimuquraadiyadda iyo wadamada reer galbeedka oo ku booriyay milatariga in ay ka laabtaan afgambiga.

Milateriga Suudaan ayaa talada la wareegay 25-kii October, iyagoo kala diray dowladdii ku meel gaarka ahayd, waxaana la xiray tobanaan saraakiil iyo siyaasiyiin ah. La wareegitaanka dalkaasi ayaa sare u qaaday isbedelkii fashilka qorshihii la doonayay in ee dalka looga hirgaliyo xukun dimuqraadi ah, in ka badan laba sano ka dib kacdoon dadweyne oo lagu qasbay in xilka laga tuuro hogaamiyihii muddada dheer Cumar Al-Bashiir.

Ciidamada ammaanka ayaa Sabtidii xiray buundooyinka u dhaxeeya bartamaha Khartoum, Omdurman iyo Waqooyiga Khartoum ee ay maraan gaadiidka iyo dadka lugeynaya, iyagoo dhigay silko si ay uga celiyaan dadka soo gala. Waxaa sidoo kale la xiray waddooyinka gala goobaha istiraatiijiga ah.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragtiCusub.com