Midowga Yurub, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo laysku khilaafay.
War Qoraal ah oo uu soo saaray Xoghayaha Arrimaha Dibadda Midowga Yurub Josep Borrell, ayaa lagu sheegay in khilaafka doorashada ay taha“Heshiis la’aanta in la qabto doorasho ka dhacda Soomaaliya waa mid aad u culus oo aan dan ugu jirin muwaadiniinta Soomaaliyeed. Waa muhiim in dhammaan kanqeybgalayaashu ay sii wadaan inay si wax ku ool ah ula shaqeeyaan si ay uga heshiiyaan hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka qaran.”
Xoghaye Josep Borrell, ayaa sheegay in muhiim ay tahay in xal laga gaaro khilaafka hareeyay qabsoomida doorashooyinka, ayna Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada yeeshaan wada-hadal, si xal looga gaaro hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka.
Ugu dambeyntii , Midowga Yurub ayaa Madaxda dowladda Federaalka uga digay inay sameeyaan muddo kororsi, sidoo kalena la joogiyo is barbar yaaca ka jira doorashada, isla markaana laga fogaado wax kasta oo dib u dhac keeni kara.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com