Midowga Musharrixiinta oo ka digay in la carqaladeeyo dibadbaxa beri ka dhacaya Muqdisho

Golaha Midowga MurashixiintaMucaaradka ah , ayaa jawaab ka bixiyay go’aankii dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku mamnuucday isu-soobaxyada dadweynaha, si looga hortago Faafida Safmarka  xanuunka COVID-19.

Midowga Murashixiinta, ayaa shaaciyay aysan waxba ka beddeli doonin dibad-baxyadii ay ku baaqeen, in la isu’gu yimaado maalinta jimcaha oo berri ku beegan, islamarkaana waxay sheegeen in aysan dheg jalaq u siin doonin go’aanka dowladda.

Afhayeenka guddiga badbaadada doorashooyinka ee Garabka Midowga Murashixiinta Cabdullahi Cabdi Maxamed ayaa tilmaamay in banaanbaxyada uu xaq dastuuri ah siinayo dadweynaha, si ay ugu soo bandhigaan aragtidooda kuna gudbiyaan cabashada ay qabaan.

Afhayeenka, ayaa sheegay in Midowga Musharixiinta ay diyaariyeen Agab kasta oo looga hortegi karo Cudurka COVID-19.

Ugu dambeyntii Midowga Musharixiinta ayaa uga digay Dawlada Federaalka in ay is hor istaag ku sameyso Dibad baxa ay qorsheeyeen in maalinta jimcaha beri ah uu ka dhaco Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com