Midowga Musharrixiinta oo ka digay in la carqaladeeyo dibadbax Maalinta Jimcaha

Golaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka ah ayaa uga diggay dawladda Federaalka Soomaaliya ay is hor istaag ku sameyso dibadbaxa lagu waddo in Jimcaha uu ka dhaco magaalada Muqdisho ee looga soo horjeedo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Musharax Madaxweyne Dr. Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in banan baxaan uu yhay mid nabadeed waxa uuna  uga diggay laamaha amniga Dawlada Federalka in carqaladeeyaan isku soo baxa.

‘“Dowladda Soomaaliya iyo hay’addaha Amniga waxaan ugu baaqeynaa in aysan carqaladeyn banaanbaxa, waxaana laga doonaayo in ay sugaan Amniga dadweynaha soo banaanbixi doona.”ayuu yiri Musharax Geelle.

Si kastaba ha hatee, Golaha Midowga musharixiinta ayaa banana baxa maalinta jimcaha dhici doona ku tilmaamay in uu yahay mid nabaddeed oo shacabku ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan sii joogitaanka madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com