Midowga Musharixiinta oo war ka soo saaray shirka beri ka Fumaya Muqdisho

Daahir Maxamuud Geelle  oo ah Afhayeenka Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in Shirka Madaxda uu saldhig u noqon doono heshiiskii 17-kii Sep, sidoo kalena looga wada hadli doono xalinta khilaadka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa.

Daahir Gele Waxaa uu sheegay in Shirka ay kasoo qeyb geli doonaan dhammaan Madaxda dowlad Goboleedyada dalka, isla markaana Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta looga baahan yahay hoggaaminta Shirkaas ka dhacaya Muqdisho.

Isaga oo sii hadlaayay Afhayeenka Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay natiijada Shirka Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada, waxaana uu sheegay in shirkaas uu saldhig u noqon doono heshiiskii 17-kii Sep ee horey u gaareen Madaxda.

Sidoo kale Daahir Geelle ayaa tilmaamay inay doonayaan ka qeyb galka Shirka Madaxda, isla markaana caddeeyay inay weli Ra’iisul Wasaare Rooble ku taageerayaan daadihiinta hanaanka doorashooyinka dalka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com