Midowga Musharixiinta oo Taageery Mowqifka Maamulada Puntland iyo Jubland ee shirka

War saxafadeed ay soo saareen Midowga Musharaxiinta ayaa waxay ay taageereen qorshihii  ay soo jeediyeen maamul goboledyada Puntland, Jubbaland iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee ahaa in shirka loogaga hadlayo arrimaha doorashooyinka lagu qabto Muqdisho, lana ballaariyo ka soo qeyb galayaasha.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa warsaxaafadeedkoodu ku sheegay in Madaxweyne  Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu yahay madaxweyne muddo xilleedkiisa uu dhamaaday uuna shirka uga qeybgali karo kaliya in uu noqdo musharax la mid ah musharaxiinta kale haddii uusan tartanka doorashada ka tanaasulin.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com.