Midowga musharixiinta oo shaaciyay in ay xoojinayan banaanbaxyada si Xukun kaligi italis ah u Abuurmin

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa shaaca ka qaaday  inay joogteyn doonaan bannaan baxyada, si ay shacabka u muujiyaan rabitaankooda iyo in dalka aysan ka abuurmin diktaatooroyad.

War qoraal ah oo  ay soo saareen Golaha Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ah  ayaa lagu sheegay inay cambaareynayaan gabood falka dowladda waqtigeedu dhamaaday si sharci darro ah ku weerartay xubno ka mid ah Musharaxiinta, kuna weerartay goob ay ku bannaan baxayeen.

Musharrixiinta ayaa sheegay wixii shalay ay Aamin sanaayen ay hadda u caddaatay Madaxweyne Hore Farmaajo uusan nabad iyo Xasilooni u rabin Dalka ayaa lagu yiri’ qoraalka ka soo baxay Midowga Musharixiinta daacadna aysan ka ahayn in la galo doorasho loo siman yahay waxay maaweelayaashisa siyaasadeed iyo Hawadiisa beenta ah tustay in xoog dalka lagu qabsan karo sharci darrona ku sii joogi karro ayaa lagu yiri’ war  ka soo baxay Golaha Midowga musharixiinta.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com