Golaha Midowga musharixiinta ayaa sheegay in dibad baxaan ay uga dan leeyihiin in ay ku dalbadaan qabashada doorasho xor ah oo xalaal
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ka Tirsan Golaha Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in aysan ka tanaasulin qabashada banaanbixii nabadeed oo ay horay ugu baaqeen, wuxuuna mar kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in la isugu yimaado taalada Daljirka Dahsoon ee dagmada Boondheere.
Dhinaca kale, sheikh shariif sheegay in banaanbaxa uu yahay mid dastuuri ah, qof walbana uu xaq u leeyahay inuu si xor ah kusoo bandhigi karo aragtidiisa, wuxuuna ka digay in mar kale la hor istaago banaanbaxaas.
Sheikh Shariif ayaa sheegay in sii hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dalka ku heysto xukun Militari, sidoo kalana wuxuu saraakiisha ciidanka ugu baaqay inaan loo adeegsan wax aan sharciga waafaqsaneyn.
Dibadbaxa ay ku baaqeen Midowga Musharixiinta ayaa ku soo beegmaya ayada oo dowladda Soomaaliya ay horay u diiday banaanbax ay isla midowga iclaamiyeen jimcadii lasoo dhaafay.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com