Midowga Musharixiinta oo ku Eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in uusan dooneyn doorasho dalka ka dhacda

Midowga Murashixiinta, ayaa  war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in madaxweyne Farmaajo uu

Midowga Musharixiinta ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo , in uu mar kasta carqalad ku wado in dalka doorasho ka dhacdo, taas beddelkeedana uu doonayo mudda kororsi Dastuurka khilaafsan.

War-saxafadeedka Midowga Murashixiinta, ayaa lagu sheegay in fashil kasta oo ku yimaada shirarka Arrimaha doorashooyinka aan mas’uuliyadeeda lala wadaagi doonin madaxweyne Farmaajo, waxaana loogu baaqay in uusan carqaladayn dadaalka socda.

Sidoo kale, Golaha ayaa amaanay  madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, oo sida ay sheegeen dadaal xooggan ku bixiyay in dalka laga qabto doorasho nabdoon oo heshiis lagu yahay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com