Midowga Musharixiinta oo Eedeeyay Madaxweyne Farmaajo

Midowga Musharaxiinta Soomaaliya oo maanta shir Warbaahinta  Ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Farmaajo inuu xagal-daacinayo wada-hadallada ay kula jiraan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Shirkan Jaraa’id aya ka dambeeyay ka dib madaxtoooyada Soomaaliya oo shaacisay  in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu marti-gelin doono munaasabad lagu soo gunaanadayo dadaalladii iyo wada-hadalladii ku saabsanaa doorashada.

Shirkaasi ayuu Farmaajo iclaamiyey inuu dhacayo 4-ta bishan March, oo ah isla maalinta ay mar kale kulan u ballansan yihiin RW Rooble iyo Midowga Musharaxiinta.

“Waxaase nasiib-darro ah in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/laahi Farmaajo uu si ula kac ah u xagal-daacinayo wadahadallada u dhexeeya Ra’iisal wasaaraha iyo Midowga Musharixiinta , kaddib markii uu isla-maalintii shirka loo ballansanaa uu ku dhawaaqay shir uusan sharciyad u lahayn u yeeriddiisa, kaasoo uu ku doonayo in uu ku carqaladeeyo wadadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga Murashaxiinta,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Midowga Musharaxiinta.

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa sheegay in ay  ka digayaan  cawaaqib xumida ka dhalan karta in la fashiliyo wada-hadalladaas, wuxuuna ku baaqayaa in fursad la siiyo ayaa l;agu yiri Qoraalka Midowga Musharixiinta .

Villa  Soomaaliya ayaan  ka jawaabin eedeynta uga yimid Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com