Midowga Musharixiinta Mucaaradka ah oo Madaxweyne Farmaajo uga digay in uu qabto doorasho Hal dhinac ah

Golaha Midowga Murashaxiinta mucaaradka ah ayaa soo dhoweeyay magacaabista Guddiyada Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Qoraal ka soo baxay Golaha Midowga Murashaxiinta Muqdisho waxa sidoo kale Madaxweyne Farmaajo looga digay in uu qabto doorasho hal dhinac ah oo keligiis wato taas oo halis ku ah Xasiloonida iyo Wadajirka dalka.

Golaha ayaa sidoo kale soo dhoweeyay in ay shir degdeg ah ay isugu yimaadaan Dowladda Federaalka ah, Dowlad Goboleedyada, Midowga Murashaxiinta iyo Bulshada Rayidka ah si xal wadar oggol ah loogu helo caqabadaha ku gudban hirgelinta heshiiskii 17-kii September 2020.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com