Midowga Mushariixnta oo diiday Codsi Uga Yimid Madaxweyne Farmaajo

Midowga Murashixiinta Soomaaliya, ayaa diiday Codsi  ka yimid Madaxweyne Farmaajo, kaas oo Murashixiinta ka dalbaday  in uu la kulmo .

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle, oo xalay kulan gaar ah la yeeshay Golaha Midowga Murashixiinta, ayaa u gudbiyay farriin codsi ah ay  ay ka sideen Madaxweyne Farmaajo oo codsaday in uu mucaaradka la kulmo, balse Musharixiinta ayaa si adag u diiday

Midowga Murashixiinta ayaa labada Madaxweyne ee Qoor Qoor iyo Guudlaawe u sheegay in aysan marnaba la kulmi doonin Madaxweyne Farmaajo, waxaana halkaas ku fashilmay kulankii dhexmaray labada dhinac.

Madaxda maamulada  Galmudug iyo Hirshabeelle oo Mucaaradku hore uga codsaday, in ay caddeeyaan mowqifkooda mudda kororsiga  ayaa weli  caddeyn mowqifkooda , waxaana la sheegay in ay u muuqdaan kuwo weli doonaya in ay la shaqeyntaan Madaxweyne Farmaajo

 Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com